Sidaas daraadeed, marka hore ogoow waxa aad sameyneyso iyo dadka aad u sameyneyso, si farriimahaagu ay u noqdaan kuwa saameyn leh, meel fogna gara.
6-La socod la’aan dhanka isbeddelada suuqa iyo algorithms-ka.
Digital marketing-ku waa mid si degdeg ah isu beddelaya, maalinba malin, saacadba saacad, Inaad ku xayirnaato “wax mar shaqeeyay” kadibna aad dhahdo kan ayaa ii shaqeeyey oo meel kale uma socdo waxey sababi kartaa inaad suuqa dhan ka niyad jabto haddii isbeddel kugu dhaco, sidaas daraadeed lasoco wararka iyo isbedelada ka socda dhigitalka si aadan baska uga harin. Tusaale: sanado ka hor Ai ma uusan jirin, oo wax walba caadi ayee iska ahaayeen, hadda Ai ayaa soo baxey oo meel walba saameeyey, wax yaabo badan oo adag fududeeyey, gaar ahaan dadka digital marketers-kana aad u caawiyey, bal sawiro qof 2018 digital marketer ahaa oo Ai marka uu soo baxey kadib bartiisa lee iska taagnaadey oo ismahdiyey, micnaha aan la jaan qaadin dunida cusub ee Ai-ga, hadda 2025 oo Ai aduunka dhan qasey muxuu ka qaban karaa?
2023 Meta ads oo laga sameeyo xayeysiimaha facebook interface ahaan sida hadda uu yahay ma aheyn oo update ayaa lagu sameeyey oo waliba cajiib ah, meel walbana waxaa lagu dare Advantage+ wax la dhaho, bal suureyso, qof xayeysiin sameynta ay 2023 ugu dambeysey 2025 meta ads muxuu ka qaban karaa?
Kolleey adiga ayee ku quseysaa, ismahdi oo bartaada taagnaaw ama dunida meesha ay u socoto raac.
7-Cabir/daraaseyn la’aan (Not tracking performance)
Haddii aadan la socon waxqabadka (KPIs), sidee baad u ogaaneysaa waxa shaqeynaya iyo waxa aan shaqeyn? KPIs waxaa lagasoo gaabiyey Key Performance Indicators, waxaana lagu cabiraa isbedellada ka dhaca aaladaha digital ka. Baar oo baro qaabka loo isticmaalo si aad ula socoto dhaqdhaqaaqa xayeysiimahaaga.
Qodobkaan soomaalideennu badanaa ma sameeyaan, Retargeting soomaali sax ah uma haayo, laakiin waxaan dhihi karnaa dib u beegsi. In dib loo beegsado dadkii horey usoo booqdey aaladahaaga, ha ahaato facebook ama website, laakiin aan waxba kaa iibsan.
Tusaale: Xayeysiin ayaad sameysey 10-ka May ee lasoo dhaafey, waxaa kulasoo hadleen 250 qofood, 50 qof kaliya ayaa wax kaa iibsadeen, halka kuwa kale ay kaliya ku weydiiyeen xogta kadibna iska tageen, waxaad hadda sameyn kartaa xayeysiin gaar ah oo aad ku beegsaneyso 200 kale ee hartey si ay mar kale kuula soo xiriiraan, waayo waxaa macquul ah waagaas sheyga iney rabeen, laakiin waqtiga ama lacagta aysan haynin, laakiin hadda waxaa suuragal ah in qaar kamid ah ay diyaar yihiin.
Fursad ahaan hadii la dhahana ayaga ayaa ka fursad fiican in la beegsado, beddelka hadda iyo koow labeegsan lahaa dad cusub aan ogeen waxa aad qabato, dadkaas cusub waxey kaaga baahan doonaan inaad xog siisid, una faah faahisid adeegaaga, halka 200 oo qof ay ogyihiin waxa aad qabato.