Haddii aad tahay digital Marketer ama aad ku hammineyso inaad hadda kusoo biirto, tani waa mid ka mid ah qawaaniinta ugu muhiimsan, taas oo kaa caawin doonta in ololahaaga xiga uu noqdo mid guuleysta.
Waxaan sidoo kale kuu tilmaami doonaa, qodobka ay soomaalideennu ku liitaan iyo midka ay inta badan xoogga saaraan, marka ay sameynayaan olole suuqgeyneed, ha ahaado mid digital ama direct marketing ah.
Sidoo kale waxaan qof walba oo qoraalkaan dhameysta lawadaagi doonaa, PDF si qoto dheer u sharraxaya xeer kaan.
โฆโฆโฆ..
Aan kasoo qaadno in guushu ay u dhiganto 100% shaqo walba oo aad qabataba, boqolkaas ayaan waxaan ukala qaadi doonnaa 3 qeybood annaga oo ku dabaqeyna xeerka uu soo saarey
๐๐ฑ ๐ ๐ฎ๐๐ฒ๐ฟ qarniyadii lasoo dhaafey.
๐ค๐๐ฌ๐๐ง๐ ๐ญ๐๐๐:
๐ฐ๐ฌ% ๐ง๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฒ๐ ๐๐๐ฑ๐ถ๐ฒ๐ป๐ฐ๐ฒ (๐ ๐ฎ๐ฐ๐บ๐ถ๐ถ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ)
Marka hore, si aad wax u iibiso ama fariin u gaarsiiso dad, waa in aad taqaan cidda aad la hadleyso. Tasaale โHaddii aad Gym leedahay, dadka aad beegsaneyso waa kuwa raba iney miisaanka iska dhimaan ee buur buuran, iyo kuwa caatada ah ee raba iney jirkooda dhisaan.
Bal kawarram hadii aad Facebook ads samayso oo aad Gym kaaga ku xayeysiineyso, kadibna subax walba maamo ilmaheeda canjeero u karineyso xayeysiintaadu kusoo laalaabato?
Sheekadu si aysan kaaga noqon โ๐๐ฎ๐น ๐ฏ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ฑ ๐น๐ฎ๐ด๐ ๐น๐ถ๐๐ฒ๐โ marka hore baro dadka aad beegsaneyso, dabeecadahooda, waxa ay xiiseeyaan, daโdooda, meesha ay joogaan iyo jinsigooda (lab ama dhedig).
Qodobkani waa midka ay badanaa ku dhibban yihiin ganacsatada soomaaliyeed marka lajoogo digital marketing-ka, waayo waxaad arkeysaa maalmaha ciida dukaan online ah oo dhar dumar xayeysiinaayo, kadibna adiga oo rag ah xayeysiintii Facebook kaaga hor imaaneyso, cajiib!, toloow muxuu kaa faaidaa?.
โฆโฆ
๐ค๐๐ฌ๐๐ง๐ ๐ฎ๐๐๐:
๐ฐ๐ฌ% ๐ข๐ณ๐ณ๐ฒ๐ฟ (๐๐ฎ๐น๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎ/๐๐ฑ๐ฒ๐ฒ๐ด๐ด๐ฎ)
Adeegga aad bixineyso waa inuu ahaadaa mid qiimo leh, cad, kana jawaabaya baahida macaamiilka, ganacsigaagu ha ahaado mid xalin kara baahida macaamiilka, ee yuusan ahaan mid ujeedkiisu yahay in lacag ama faaido lagasameeyo kaliya.
Sidoo kale raaci qiimo dhimis iyo haddiiba aad awooddid adeeg dheeri ah oo bilaash ah, waayo taasi waxey kuu fududeyneysaa in aad heshid macaamiil cusub oo dheeri ah.
Qodobkaan run ahaantii 80% inta aan arkey soomaalidu aad ayee uga taxadaraan, waayo aad ayee uyartahay in shirkad hebel ay soo saarto adeeg aan xalin karin baahiyaha macamiilka, sidoo kalana xayeysiin walba ay sameeyaan, qiimo dhimis ayaa lasocota, waana wax loo baahan yahay.
โฆโฆ.
๐ค๐๐ฌ๐๐ง๐ ๐ฏ๐๐๐:
๐ฎ๐ฌ% ๐๐ฟ๐ฒ๐ฎ๐๐ถ๐๐ฒ (๐ก๐ฎ๐พ๐๐ต๐ฎ๐ฑ ๐ถ๐๐ผ ๐๐ฎ๐น-๐ฎ๐ฏ๐๐๐ฟ)
Qodobkaan 20% ayuu ka yahay ciyaarta, balse asagana ma yareysto ogoow, waayo haddii aad labada kore soo saxdo oo asaga kaliya kaa qaldamo waad ahaatey, micnaha wey kuu dhamaatey, sorry waxaan kawadaa xayeysiintaada meel ma gaareyso, fadhiid ayey noqonee.
Naqshadda (post design), muuqaalka, ama qoraalku waa muhiim, waxeyna qeyb weyn ka qaadan doonaan in farriintaada si sax ah loo fahmo, loona arko. Bal sawiro adiga oo soo saarey badeeco ay uwada baahan yihiin dhammaan bulshada soomaaliyeed, balse aan aqoon sidii saxda aheyd ee loosoo muujin lahaa!.
โฆโฆ..
๐๐จ๐ก๐๐๐ก๐๐:
Marka xigta ee aad diyaarinayso olole suuq-geyn, xasuuso xeerkan:
(Target Audience + Strong Offer + Great Creative = Natiijo la taaban karo 100%)
Waayo haddii aan isku darno 40+40+20 waa 100%