Competitor Analysis (falanqenta tartamahaaga)

Ganacsi kasta oo raba inuu suuqa si dhab ah uga dhex muuqdo, waa inuu fahmaa hal arrin oo muhiim ah, taas oo ah tartamayaashiisa.

Competitor Analysis micnaheedu waa inaad si nidaamsan u barato ganacsiyada kula tartamaya: waxa ay bixiyaan, sida ay u qiimeeyaan adeeggooda, cidda ay bartilmaameedsadaan, sida ay u sameeyaan suuqgeynta iyo sababta ay macaamiishu u doortaan.

Tallaabada ugu horreysa waa inaad aqoonsato tartamayaashaada. Kuwaani ma aha kaliya ganacsiyada sameeya waxa aad sameyso, balse waa kuwa macaamilkaaga siin kara beddel kale. Tusaale ahaan, haddii aad tahay madal bixisa tabobaro, tartamayaashaadu waxa ay noqon karaan macaahido offline ah, kuwa online ah, ama xitaa qof freelancer ah oo tababarro bixiya.

Tallaabada labaad waa xog uruurin. Waa inaad eegtaa website-kooda, social media-hooda, reviews-ka macaamiisha, qiimaha adeegooda, offers-kooda, iyo qaabka ay ula hadlaan macaamiishooda. Xogtan waxay kuu muujinaysaa waxa suuqa ka shaqeynaya ama ka socda iyo waxa aan weli si fiican loo qaban.

-Marka aad xogtaas falanqeyso kadib waxaad isweydiisaa:

-Maxay ku fiican yihiin?

-Maxay ku liitaan?

-Maxay macaamiishu ku jecel yihiin?

-Halkee ayuu suuqu weli ka bannaan yahay?

-Maxaan anigu si ka wanaagsan u qaban karaa?

Falanqaynta tartamayaasha ma ahan inaad copy-gareyso waxa ay sameeyaan. Ee waa inaad fahanto suuqa, kadibna aad hesho meel aad uga duwanaan karto. Ganacsiga guuleysta ma aha kan wax walba kala mid ah kuwa kale, ee waa kan si cad u muujin kara sababta isaga loo dooranayo.

Haaddii aad qodobadaas si cad u raacdo, waxaad ogaaneysaa sida aad uga duwanaan karto tartamayaashaada: qiimo ahaan, tayo ahaan, adeeg ahaan, khibrad ahaan, ama farriinta aad suuqa u gudbineyso.

Laakiin hal qalad ayaa jiro oo ay ganacsatadu sameeyaan, taas oo ah in ay hal mar tartamayaashooda eegaan, kadibna ay iska iloobaan. Suuqa wuu isbedelaa, tartamayaashu waxay soo saaraan adeegyo cusub, qiimo cusub, olole cusub, iyo xeelado cusub oo suuqgeyneed. Sidaas daraadeed waa in aad si joogto ah isha ugu haaysaa ganacsiyada suuqa kugula jira.

Haddii aad rabto in aad dhisto marketing strategy xooggan, ha ku bilaabin xayeysiin ama in aad baraha bulshada wax un iska soo dhigto. Ku bilow fahamka suuqa, macaamiishaada iyo tartamayaashaada.

Ganacsiga aan fahmin tartamihiisa, wuxuu halis ugu jiraa inuu ku dhex lumo suuqa.

Adiga ma taqaannaa tartamayaashaada dhabta ah ee suuqa kugula jira?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *