Ganacsi kasta oo raba inuu si sax ah u suuq geeyo badeecaddiisa ama adeeggiisa, waa inuu marka hore fahmaa cidda uu la hadlayo.
Customer Persona waa sawir cad oo aad ka sameyneyso macaamilkaaga gaarka ah. Ma aha inaad dhahdo “qof walba ayaan u adeegayaa”, sababtoo ah ganacsiga qof walba la hadla badanaa qofna si xooggan uma saameeyo.
Customer Persona wuxuu kaa caawinayaa inaad fahanto:
-Yaa macaamilkaaga saxda ah?
-Intuu joogaa?
-Da’diisa waa imisa?
-Ma Rag baa mise waa Dumar?
-Heerkiisa waxbarasho ama shaqada uu qabto?
-Dhibaatada ugu weyn ee uu qabo waa maxay?
-Halkee ayuu waqtigiisa ku qaataa?
-Maxaa ku qanciya inuu wax iibsado?
-Maxaa ka hor istaaga go’aankiisa iibka?
Tusaale ahaan, haddii aad leedahay madal bixisa tababarro, macaamilkaagu ma aha kaliya “arday”. Waxaa laga yaabaa inuu yahay qof shaqo raadinaya oo doonaya xirfad uu suuqa ku galo ama ganacsade raba inuu aqoontiisa horumariyo.
Markaad sidaas u kala fahanto, contents-kaaga, adeeggaaga, qiimahaaga iyo farriintaada way kala caddaanayaan.
Ganacsiga aan si cad u garan cidda uu la hadlayo, wuxuu luminayaa waqti, lacag iyo fursado badan.
Laakiin ganacsiga fahma macaamilkiisa, wuxuu abuuri kaa farriin sax ah asaga oo bartilmaameedsanaya qofka saxda ah.
Suuqgeynta xooggan kama bilaabmato abuurista contents ama xayeysiimo badan, ee waxey ka bilaabmataa fahamka qofka aad rabto inuu ku aamino, kula falgalo, kadibna wax kaa iibsado.
Haddaba, ganacsigaagu ma leeyahay sawir cad oo ku saabsan macaamilka uu doonayo inuu gaaro?