๐ฃ๐ฟ๐ผ๐ฑ๐๐ฐ๐ ๐ ๐ฎ๐ฟ๐ธ๐ฒ๐๐ถ๐ป๐ด waa habka lagu suuq-geeyo alaab ama adeeg gaar ah si loo hubiyo in uu gaaro dadka saxda ah, waqtiga saxda ah, loogana sheekeeyo si sax ah.
๐ค๐๐๐ซ๐๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ก:
Product marketing waa isku xirka u dhexeeya alaabta, suuqa iyo macaamiilka. Qofka Product Marketer-ka ah waxaa laga rabaa inuu ka jawaabo:
โ Maxay tahay alaabtu?
โ Yaa loogu talagalay?
โ Maxay uga duwan tahay alaabaha kale?
โ Sababta loo iibsanaayo alaabtaada?
Shaqooyinka Product Marketing-ka waxaa ka mid ah:
โ-Goโaaminta suuqa bartilmaameedka ah
(target market)
โ-Dejinta fariinta suuq-geynta
(messaging & positioning)
โ-Kicinta baahida alaabta (demand generation)
โ La shaqeynta kooxda iibka iyo horumarinta
โ-Bilaabista ama suuq soo gelinta alaabta si guul ah (Product launch)
๐ง๐จ๐ฆ๐๐๐๐:
Haddii shirkad hebel ay sameyso app cusub oo sahlaya in cuntada online looga dalbado, product marketer-ka ayaa goโaaminaya:
โ-Cidda ugu habboon ee uu app-ku quseeyo (dadka mashquulka ah)
โ-Fariinta xayeysiinta, tusaale:
(โKu dalbo cunto 3 daqiiqo gudaheedโ)
โ-Goobaha lagu xayeysiinayo sida:
(Instagram, TikTok, iwm)
โ-Sida ugu fudud ee loo isticmaalo
(user benefits)
๐จ๐๐๐๐๐๐๐ ๐จ๐๐จ ๐ช๐๐ฌ๐ก:
In la hubiyo in alaabta si sax ah lagu gaarsiiyo macaamiisha saxda ah,si ay u fahmaan, u xiiseeyaan, ugu dambeynna u iibsadaan.
๐๐จ๐ก๐๐๐ก๐๐:
Product Marketing waa sida buundada isku xirta badeecada aad soo saartay iyo dadkii loogu talagalay, Waa halka laga hubiyo in fikraddaadu aysan kaliya noqonin mid adiga kugu qotonta, balse noqoto mid la fahmi karo, la jeclaan karo, laguna kalsoonaan karo suuqa dhexdiisa.
Marka aad si sax ah u fahanto Product Marketing, waxaad dareemi doontaa in aysan kaliya ahayn โxayeysiinโ balse ay tahay istaraatiijiyad hal-abuur leh oo suuq kasta ka shaqayn karta, ha ahaato suuqa Bakaaraha ama baraha bulshada sida Facebook & TikTok IWM.
Haddii aad tahay ganacsade, suuqgeeye ama hal-abuure doonaya in la maqlo, la arko, lana iibsado badeecadiisa, ha lumin fursaddaan. Baro, adeegso, kana faaโiidayso awoodda Product Marketing-ka.